War cajiib ah

 Sawirka waxaa ka muuqda labo orodyahan mid Kenyan ah iyo mid Spanish ah.


Midka Kenyanka ah oo horeeyey ayaa u maleeyey inuu tartankii dhamaaday wuuna istaagay, markiiba kii Spanish-ka ahaa oo ka danbeeyey ayaa u sheegay in uu hal wareeg oo kale uu dhiman yahay orodkana uu sii wado.


Spanish-ka waa awooday inuu ka faaiideysto khaladka dhacay laakiin waxuu doorbiday inuu helo guul uu isaga ka soo shaqeeyey intii uu qaadan lahaa guul ku timid khalad qof kale. 


Guul aad adigu soo shaqeysatay ayaa ka wanaagsan inaad jaranjaro ka dhigato qof kale qaladkiisa mararka qaarna aad iska laalaadiso si aad adiga boos u hesho.

Comments

Post a Comment

Popular Posts